Xildhibaanada Galmudug ee Cadaado oo doortay Madaxweyne cusub (Daawo Sawirro)

Axmed Maxamed Maxamuud (Baasto) ayaa goor dhow loogu doortay magaalada Cadaado madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug.

Baasto oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Galmudug ayaa hadda noqonaya madaxweynihii labaad ee uu yeesho maamulka Galmudug.

Doorashadda Maanta ka dhacday Cadaado ayaa waxaa ku tartamaayay labadda Musharax ee kala ah Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) oo helay 52 Cabdixakiin Cali Guure ayaa helay 8 Cod

Xildhibaanada ku sugan Magaalada Cadaado ayaa dhowaan shaaciyey iney xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda Labada garab ee maamulka Galmudug ayaa dhinac walba waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyey dhinaca kale, iyagoo ka dibna qabtay doorashooyin lagu buuxinayo kuraasta madaxda xilka laga qaaday, waxaana arinta ka socota Galmudug ay u muuqataa fowdo siyaasadeed oo aysan jirin cid ka faaiideysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -